5 Tabo Oo Ku Saabsan Aqbalaadda Google Adsense?


 Sida Google AdSense lacag cadaan ah looga sameeyo waa mid ka mid ah mawduucyada loogu raadinta badan yahay Google-ka, iyadoo dad badani ay waydiiyaan su’aalo ay ka mid yihiin:

  • Sidee baan Google AdSense lacag uga samayn karaa?
  • Sidee buu Google AdSense si degdeg ah igu aqbali karaa?
  • Waa maxay shuruudaha uu Google AdSense u baahan yahay, si uu blog-kayga u aqbalo?
  • Lacag intee le’eg baan Google AdSense ka samayn karaa bishii?
  • Hadii uu Google AdSense i soo diido, mar labaad miyaan codsan karaa?
  • Iyo su’aalo kaloo badan.

Maanta, waxaan qormadan idin kula wadaagi doonaa 5 talo oo la xidhiidha sida Google AdSense si fudud oo degdeg badan, isla mar ahaantaana damaanad leh uu kugu aqbali lahaa.

5 Tabo Oo Ku Saabsan Aqbalaadda Google Adsense

1. Ha Adeegsan Domains-Yo Bilaash Ah

Tani waa talada ugu horreysa, taas oo ah inaad si taxadar leh uga fikirto ka hor inta aanad isticmaalin domain-no bilaash ah si aad u dalbato Google AdSense.

Domain-nada bilaashka ah waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan ee hortaagan aqbalaadda Google AdSense. Inkasta oo aysan si toos ah Google u shaacin midatan, hadana blogger-ro badan ayaa sheegay in domain-nada bilaashka ah suurtagalnimada aqbalaadooda ay tahay mid daciif ah oo liidata, marka loo barbardhigo domain-nada lacagta ah.

2. Bixi Oo Soo Bandhig Macluumaadyo Tayo Leh

Tani maaha kaliya talo ku saabsan aqbalaadda Google AdSense, laakiin sidoo kale waa talo keensanaysa in lagu helo booqdayaal badan, oo dabiici ah.

Waana mid ka mid ah talooyinka ugu badan ee lagula taliyay blogger-rada, iyo si guud nuxur curiyayaasha.

3. Ka Dhig Blogg-Kaaga, Blog Leh Qaab Adeegsi Wacan

Markaad booqdayaashaada u soo bandhigdo blog qaab ahaan iyo muuqaal ahaanba qurux badan, waxay taasi keensanaysaa inay mar labaad blog-kaaaga ku soo laabtaan, si ay u akhristaan maqaallada kale ee ku jira blog-kaaga, taasoo kordhinaysa tirada booqdayaashaada.

Sidaa darteed, wanaaji qaab adeegsi blog-kaaga, adigoo isticmaalaya theme-yo nadiif ah oo qurux badan, ama anaga nala soo xidhiidhaya, inagoo markaa kuu dhisayna blog bilic ahaan soo jiidasho leh, una roon indhaha akhristaha.

4. Blog-Kaagu Waa Inuu Lahaadaa Afar Bog

Si blog-kaaga uu Google AdSense u aqbalo, waxaad u baahan tahay inaad blog-kaaga ku darto afar bog oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

  • Nagu Saabsan (About Us)
  • Nala Soo Xidhiidh (Contact US)
  • Siyaasadaha Gaarka ah (Privacy Policy)
  • Shuruudaha Iyo Xukumada (Terms And Conditions)

5. Isla Markiiba Ha Codsan Aqbalaadda Google AdSense

Blogger-ro badan oo ku cusub blogging-ka, ayaa marka ay hal ama laba maqaal daabacaan kadib, waxay isla markiiba gudbiyaan codsi ah aqbalaadda Google AdSense, tanina waa ficil aad u haboonin.

Waxaa lagama maarmaan ah in aan lagu degdegin aqbalaadda Google AdSense, balse waa in marka hore qodobadan si gaar ah loo tixgaliyo, kuwaasoo kala ah:

  • Ha codsan aqbalaadda Google AdSense ilaa aad ka soo daabacdo 20 ilaa 30 maqaal, ama ka badanba, isla mar ahaantaana caan noqda.
  • Ha codsan aqbalaadda Google AdSense ilaa aad maalintii ka hesho 1,000 booqdayaal
  • Ha codsan aqbalaadda Google AdSense ilaa uu blog-kaagu 3 bilood jirsado sameentiisa ka dib.

Post a Comment

Previous Post Next Post