Waa Maxay Graphic Design?

 


Naqshadayntu ama graphic design-ku wuxuu noqday mid ka mid ah goobaha ugu caansan uguna koriinka fiican ee ina soo mara abid, sababtoo ah waa goob ku salaysan hal abuurnimada, iyo farshaxanka.

Waxaana lagu tiriyaa inay tahay mid ka mid ah shaqooyinka aadka looga baahan yahay suuqa shaqada xorta ah, laamaheedu iyo takhasuskeeduna ay aad u badan yihiin, qof kastana uu baran karo isagoo gurigiisa jooga isla markaana uu ku shaqaysan karo.

Waxaa intaa dheer in ay dammaanad qaadayso dakhli dhaqaale oo wanaagsan. Barnaamijyada ugu caansan ee naqshadeeyayaashu ay ku tiirsan yihiin ama ay adeegsadaan badankooda waa barnaamijyada Adobe gaar ahaan Adobe Photoshop, Illustrator, InDesign, iyo kuwa kale.

Waa Maxay Naqshadayntu Ama Graphic Design-Ku?

Naqshadayntu ama graphic design-ku waa hanaan hal abuur leh oo ku lug leh isticmaalka walxaha muuqaalka ah, si loo gudbiyo fikrado gaar ah, fariimo gaar ah, amaba macluumaad gaar ah, isla mar ahaantaana loosoo gudbiyo si fudud oo soo jiidasho leh.

Naqshadayntu ama graphic design-ku waa nooc ka mid ah isgaarsiinada muuqaalka, kaasoo isu darsaday farshaxan, farsamo, si uu u curiyo naqshad qurux badan oo soo jiidasho leh, oo sidda fariin ku socota dadyaw gaar ah.

Naqshadayntu ama graphic design-ku waa isku xidhaha shirkadda iyo macmiilka, iyadoo fariinta u soo bandhigaysa qaab hal abuurnimo leh oo qurux badan, isla mar ahaantaana wax tar badan leh.

Xirfadda naqshadeyntu ama graphic design-ku waa mid ka mid ah xirfadaha hormuudka ah wakhti xaadirkeena, waxaana si weyn looga raadiyaa goobaha freelancing.

Shirkadaha iyo ganacsatada ayaa intooda badani doorbida inay si toos ah ula macaamilaan naqshadeeye xirfadaysan oo tayaysan, kaasoo awood u leh inuu soo saaro ama uu curiyo naqshado aan innaba caadi ahayn.

Ma Noqon Kartaa Naqshadeeye Tayaysan, Oo Xirfadaysan?

Haa dabcan, adigoo tixgalinaya dhowrkan qodob:

  • Baro aasaaska naqshadaynta, sida fonts-ka, shapes-ka, colors-ka.
  • Aqoon durugsan u lahoow cidda aad wax u naqshadaynayso, isla mar ahaantaana aad rabto inay fariintaadu gaadho.
  • Baro nooca adeegga ama badeecada aad naqshadaynayso.
  • U fiir-fiirso isdhexgalka u dhexeeya midabada, hana isticmaalin midabyo aad u tiro badan, oo aan loo baahnayn.
  • Hubi in naqshadaada kama dambaysta ah loo soo bandhigay sidii ugu wanaagsanayd, isla mar ahaantaana buuxisay ujeedooyinkii laga lahaa.


Post a Comment

Previous Post Next Post